Modest fashion: Haweenka Soomaaliyeed oo horumuud u noqonaya labiska leh xarragada iyo asturka.
Joogsi malaha hal abuurka iyo farshaxanka ku dhisan dhaqanka, Diinta iyo Dumarnimada oo ay haweenka Soomaaliyeed ku muujinayaan Quruxda iyo Xarragada. waxa ay sanadihii dambe astaan u noqdeen modest fashion..
LABIS
2/26/20252 min read


Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay waqti dheer caan ku ahaayeen xarrago iyo labis u gaar ah oo ku salaysan dhaqanka iyo Anshaxa kaasi oo ay ku qurxiyaan muuqaalkooda guud. Waxaa ay kaalmaha ugu horreeya kaga jiraan xarrago jecaylka, waxaa ayna caan ku yihiin daryeelka, nadaafadda iyo is-qurxinta. Sanadihii u dambeeye waxaa aad loogu daatay labiska asturka iyo quruxda leh ee loo yaqaan "Modest fashion" Haweenka Soomaaliyeed ayaana horumuud u noqonaya qaab labiskan aadka u sii shaacbaxaaya.
Labiskaan Asturan waxaa uu ku sii fidayaa suuqyada caalamka iyo bulshooyinka guud ahaan, si gaar ah kuwa Islaamka. Waa labis daboolaaya jirka qeybihiisa si xarrago iyo astur leh, waxaana aad u isticmaala Haweenka Muslimiinta ah kuwaasi oo doortay in ay ku qariyaan qeybaha jirkooda.
Haweenka Soomaaliyeed oo ah kuwa xarragada iyo asturka ku caan ah ayaa qaar badan iminka waxaa ay saameyn ku leeyihiin suuqa labisyadaan, iyaga oo nashqadeeya, soona saara labisyo qurux iyo astur leh.


Umi’s Boutique oo ah dukaan ay Soomaali leedhay ayaa kamida kuwa iibiya dharka asturka iyo quruxda leh sida Saakooyin iyo Xijaabo leh nashqado qurux badan. Waxaa ay xaruun ku leeyahihiin mareykanka, halka ay si online ah ugu adegaan gabdhaha xiiseeya quruxda iyo asturka ee ku kala nool daafaha caalamka.
Samsam Mohamed oo ah aasaasaha Bilanfacon waxaa ay qeyb ka tahay gabdhaha nashqadeeya labisyada ay xirtaan gabdhaha jecel asturk ee ku nool guud ahaan caalamka. Bilanfacon ayaa noqotay Swahili fashion week modest designer 2021, waxaa ayna halkaasi ku Soo bandhigtay labisyo Soo jiitay ka soo qeybgalayaasha iyo jamaahirta ku nool geeska Afrika ee xiisaysa labiska iyo xarragada.
Suuqa labiska iyo xaragada iyo Soomaaliya waxaa ku soo badanaya halabuurayaasha Dharka oo ilaa iyo heer caalami ka hela aqoonsi iyo sumcad.


Xaliimo Aaden oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa noqotay qofkii ugu horeeye ee ka soo muuqda fagaarayaasha caalamiga ah ee lagu xayeesiiyo Dharka, iyada oo ku labisan Dharka xaragada iyo Asturka leh ee "Modest fashion." Xaliimo ayaa laafyo ku dhex martay masraxa tartamada quruxda ee Minnesota iyada oo xiran Xijaab, waxaa ayna taas ka dhigtay in ay Soo jiidato indhaha caalamka. waxaa loo aqoonsaday haweenaydii ugu horeyse ee Asturan oo ka soo muuqata tartanada nuucaan oo kale ah. Xaliimo Aadan oo arintaan ka hadlaysay ayaa tiri " Anigu waxaan u soo galay fagaaraha Labiska iyo quruxda in aan wax ka badalo qaabkeeda ee uma Soo galin in ay qaabkayga badasho" waxaa ayna Xaliimo taasi dhaxalsiisay in ay ka so muuqato Majaladaha iyo bogagga hore ee wargeysyada caanka ah ee ka faallooda arimaha Quruxda iyo labiska. Inkasta oo Xaliimo ay sheegtay in ay isaga baxday tartamada iyo fagaarayaashii ay ku Soo caanbaxday, hadane weli waa nashqadeeya la shaqeysa Shirkada Soo saarta labisyada asturka leh ee modanisa oo ah Shirkad Laga leeyahay dalka Turkiga.
Waxaa aad u sii xoogaysanaya suuqa labiskaan asturka iyo xarragada leh ee horumuudka u yihiin haweenka Soomaaliyeed. Joogsi malaha hal abuurka iyo farshaxanka ku dhisan dhaqanka, Diinta iyo Dumarnimada oo ay haweenka Soomaaliyeed ku muujinayaan Quruxda iyo Xarragada.