Halbeegga quruxda: Sidee u taalaa Gabar qurux badan? Aragtida Soomaalida iyo Caalamka kale.

Wax ka ogoow halbeegga quruxda ee caalamka iyo tan Soomaalida. Akhriso qaar kamida Haweenka Soomaaliyeed iyo aragtiyada ay ka haystaan Micnaha Quruxda. by Shaash magazine

QURUX

2/25/20254 min read

Sidee u taalaa Gabar qurux badan?
Sidee u taalaa Gabar qurux badan?

Qeexidda macnaha ereyga “Qurux” waa la'isku maan dhaafsan yahay. Ka hadlida mowduucaan waxaa uu soo bilawday qarniyaal hore, waxaana dhacay doodo iyo aragti isweedaarsi la xariirta waxa ay Quruxdu tahay. Hadaba waa maxay Qurux?

Macnaha loo yaqaano Qurux aad bey isu soo badbadashe xiliyo kala duwan, oo hadba jiilka markaasi jooga ayaa fasiraad iyo cabir saara sida ay u arkaan Quruxda. Qeexitaanka micnaha "Qurux" waxaa saameyn ku leh Dhaqanka bulshooyinka, hab fikirka, dooqa shaqsiga iyo waxyaabo kale oo dadka ku kala duwan yihiin, sidaas ayaana loo yiraahdaa "qeexitaanka Quruxda ma'aha wax la isku raacsan yahay" hasayeeshee waxa aan isku dayi doonnaa in aan u helno qeexitaan Soo dhaweyn Kara Fahanka guud ee bulshooyinka ay ka haystaan Quruxda, si gaar ah Soomaalida. Waxa aan sidaas oo kale warbixintaan gudaheeda idinkugu Soo gudbin doonnaan qaar kamida Haweenka Soomaaliyeed iyo aragtiyada ay ka haystaan Micnaha Quruxda.


Macnaha Qurux waxaa loo tiiriyaa wax kasta oo leh Bilic iyo muuqaal u bogasho ah, soo jiidasho, jamasho iyo cajaa'ib, waxaas oo dhana waxaa cabir u ah qofka iyo aragtidiisa. Quruxda waxaa laga heli karaa meelo fara badan sida Dabeecada, qorax dhaca, dhirta, farshaxanka, laxamada, suugaanta iyo tan aan u socodo oo ah Dadka.

Nabi yuusuf CS waxaa la siiye kala bar quruxda aduunka sida usuusha Islaamka ay ku soo aroortay.

Quruxda bini’aadmamka waa mid la xariirta muuqaalkiisa guud sida dhirirka, cayilka, midabaka, maqaarka jirka, qaabka wejiga, Indhaha, afka, sanka, nuuca timiha, Suniyaha, farha, cagaha, socodka iyo meelo kale oo kamida muuqa sarre ee qofka. Waana tan u yeeshaan Soo jiidashada faraha badan. Sidaasi oo kale Quruxda qofka waxaa lagu qiimeeyaa tan Gudaha sida qofnimada, daacadnimada, hadalwanaaga, kalsoonida, Caqliga iyo cilmiga qofka. Waana tan siisa kasbashada.

waa maxay Halbeegga quruxda
waa maxay Halbeegga quruxda

Quruxda sida loo arko, waa aaminaad la xariirta qofka iyo deegaanka uu ku noolyahya. Warbaahinta ayaa qeyb ka qaadata fasiraadda waxa ay Quruxdu tahay.

Quruxda Gabdha Aasiya
Quruxda Gabdha Aasiya

Marka la joogo qaaradda Aasiya, Quruxda waxaa loo arkaa wejiga yar ee leh garka dhuuban (V-Shape), maqaarka nadiifka ah, u muuqashada qof Dhalinyar, indho godan, jir ahaan dhuuban, caafimaad qaba. Inta badan waxaa ay isticmaalaan agabyo ay ku naashnaashaan quruxdooda sida Makeup-ka oo u ekeesiiya kuwa da'yar oo dhabana leh.

quruxda gabdha Hindida
quruxda gabdha Hindida

Hindidu waxaa ay Quruxda u aragtaa timaha dhaadheer, dhexda taakada ah, indhaha kuuskuusan, bushimaha waaweyn, waana sababta gabdhaha Aflaamta Bollywood ku jira ay sidaas ugu eg yihiin.

Halbeegga quruxda Gabdha Caddaanka
Halbeegga quruxda Gabdha Caddaanka

Cadaanka reer yurub, waxaa ay Quruxda u arkaan wijiga fidsan, bushimaha buuxa,

Suniyaha balbalaaran, maqaarka cad, indha Baluugga ah, iyo Timaha cas, iyo dhirirka.

Gabar Afrikaan qurux badan
Gabar Afrikaan qurux badan

Afrikaanta waxaa ay Quruxdu u arkaan maqaarka dhaldhalaalayo ee Madowga iyo maariinka ah, Bushimo waaweyn, jir Hubqaad leh, qoor dheer, iyo Joog.

Waxaa sidaas oo kale jira bulshooyin si cabsicabsi leh Quruxda u arka, sida Dhagaha oo aad loo doleeshado, qoor aad u baxsan iyo labis u gaar ah, waana bulshooyinka loo yaqaano Endogenous, oo ay kamid yihiin Masayda Kenya.

Hadaba Soomaalida Quruxda sidee u aragtaa?

Su'aal ahayd "Sidee u taalaa gabar qurux badan?" Ayaan weydiinay dhowr Dumar Soomaaliyeed ah, waxaana ka codsanay in ay nasiiyaan tilmaamo muuqda. Inkasta ay qaarkood ku gaabsadeen in ay Quruxda tahay qanacsanaanta, hadane tilmaamaha ay qaar inala wadaageen waxaa kamid ah:


Quruxda waa san dheer, indho buurbuuran iyo ilko siman. Suniyo Madow, timo dhaadheer, jir Hubqaad leh, joog dhexdhexaad ah, Midab Madow ama maariin dhiig furan ah.

gabar qurux badan
gabar qurux badan

Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin muuqaal ka duwan Afrikaanta kale. Indhaha waaweyn, bushimaha buuxa iyo foolka ayaa ah waxa lagu garto ee sii qurxiya muuqooda. Joog ahaan waa talaaba cutiya, xarago ahaane waa haweenka ugu horreeya caalamka ee daneeya quruxodooda.Waqti iyo qarash faraban ayay ku bixiyaan is-naashnaashka.


Marka dhanka u ekaanshiyaha la fiiriyo, waxaa la la xiriiriyaa qaar kamida qabiilada geeska Afrika daga (Oromada iyo Bantu-ga) kuwa bariga dhexe, iyo Koonfurta Aasiya ama (Indian subcontinent) bulshooyinka loo yaqaan. Daraasado lagu sameeyay hiddasidaha Soomaalida ayaa intaasi sii xoojinaysa.

Dhanka Xaragada iyo is-quruxinta Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay ka soo bilaabataa cilaanka gaduudan ee gacmaha iyo lugaha ay ku xardhadaan. waa farshaxan ay ku bilaan bilicdooda. Si ay u daryeelaan quruxda wajiga, waxaa ay subax kasta marsadaan Qasilka dabiiciga ah ee bi’iya haaraha saaran maqaarka, waana sirta koowaad ee ka dambeysa dhaldhalaalka haweenka Soomaaliyeed. Marka labiska la joogo, waxaa aad loogu yaqaanaa xirashada Baatiga midabada badan leh, iyo diracyo leh nafis iyo asturnaan. Waxaa si guud haweenka Soomaaliyeed muuq ahaan loo aqoonsan yahay in ay yihiin kuwa ugu qurxoon Afrika. Hees uu Cabdi Qeys sameeye, Xasan Adane uu qaaday ayaa waxaa ay leedahay:

Inantii arligaay

Aragii wadankaay

Midabkii asalnaa iyo

Quruxdii afrikaay

Il iyo cawri la’aaw


Si kasta ha’ahaatee Quruxda waxaan ku qeexi karnaa isku dheelitirnaanta maqaarka, umuuqashada qof dhalinyar, leh muuqaal dabiici oo u dhalasho ah. Si kale hadii aan u dhaho; “Quruxdu waa u dhalasho”. Qof waliba sida uu yahay ayuu ku qurux badan yahay.