Xiriirka ka dhaxeeya Soonka iyo Quruxda.

Waxaanu ka hadli doonaa Xariirka ka dhaxeeya Soonka iyo Quruxda, waxaana idin la wadaagi doonaa farsamooyin aad ku noqon kartaa kuwa muuqaal ahaan qurux badan oo caafimaad qaba inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

QURUX

3/18/20252 min read

Soonka waa tiirka afaraad ee Islaamka, waana bisha ugu khayrka badan bilaha. Waxaa ay muslimiintu u tahay bil cibaado oo ay ku nooleeyaan quluubtooda ficili wanaagsan. Waa bil ay ducaysataan in badan. Waa bil ay masaakiinta quudiyaan. Waa bil ay baxsadaan maalka inta ay awoodaan. Waa Bil labiska iyo asturka ay quruxsadaan. Waa bil aan Waqtiga lagu lumin cayaar iyo madadaalo. Waa bil Soon; oo laga soomayo xumaanta, cunada iyo cabidda. Intaasi waxaa ay bilow u tahay ogaanshiyaha xiriirka ka dhaxeeya Soonka iyo Quruxda.

Waxaanu ka hadli doonaa Xariirka ka dhaxeeya Soonka iyo Quruxda, waxaana idin la wadaagi doonaa farsamooyin aad ku noqon kartaa kuwa muuqaal ahaan qurux badan oo caafimaad qaba inta lagu guda jiro bisha Ramadaan


Hadaba xiriirka ka dhaxeeya Soonka iyo Quruxda waa maxay?

Xiliyada uu qofka sooman yahay sida bisha Ramadaan, jirka waxaa ku dhaca isbadalo kala duwan taas oo muuqaalka iyo caafimaadka qofka la xariirta. Cilmibaarisyaduna waxaa ay sheegayaan in Soonka uu faa'idooyin u leeyahay Caafimaadka iyo Quruxda qofka.

Faa'idooyinka caafimaad ee Laga helo soonaka

Redista Miisaanka: Soomidu waxaa ay qeyb ka qaadataa hoos u dhiga Miisaanka jirka. Waxaa uu jirka isticmaalayaa cuntada u kaydsan sida Baruurta, waxaana meesha ka baxaaya cayilka dheeriga ku ah qofka taasi oo yareyn doonta halisyo caafimaad.

Sidaasi oo kale Soonka waxaa uu yareeeyaa waxyaabaha sababi Kara cudurada wadno xanuunka iyo kansarka.

Waxaa uu siyaadiyaa Fahanka, xasuusaha iyo guud ahaan shaqada maskaxda, waxaa uuna Qofka ka dhigaa mid leh diirad iyo xifdis.

Soonka waxaa uu wanaajiyaa caafimaadka guud ahaan iyo tayada Qofka.

Faa'idooyinka maqaarka uu u leeyahay Soonka

Marka uu qofka Ka Soomanyahay Cunista iyo cabsita, jirka waxaa uu galaa marxalad loo yaqaan Ketosis oo ah mid uu jirka ku burburinaayo Cuntada u kaydsan sida Baruurta, taasi oo yareyn doonta Saliida uu wajiga soo saaro iyo qashinka.

Soonka Xariirka ah waxaa uu ka qeybqaataa unugyada jirka ee dhintay in meesha Laga nadiifiyo, dabadeed kuwa cusub lagu badalo. Waxaa ay taasi kayntaa in uu maqaarka noqdo mid cusub. (Maqaarka ayuu wanaajiyaa, waxaa uuna ka dhigaa mid nadiif ah.)

Soonka waxa uu yareeyaa finananka, iyada oo hormoonada jirka ay noqonayaa kuwa isku dheelitiran.

Timaha ayuu bixiyaa waxaa uuna kordhiyaa wareega dhiiga ee qolfoofta.


Talooyin guud ee Soonka iyo Quruxda

Bisha Ramadaan waa bil cibaado, marka hore ku quruxi noloshaada wanaag, jaceyl iyo Ducooyin fara badan.

Cab biyo badan xiliyada afurka iyo habeenka, waxaa ay taasi kaa Caawin doontaa in uu jirkaaga helo Oon ku filan,iyo caafimaadka maqaarkaagana uu wanaagsanaado.

Cun Cunto isku dheeli tiran si fatamiin iyo borotiino kugu filan aad u hesho. Waxaa ay taasi qeyb ka qaadan doontaa Quruxda iyo caafimaadka jirkaaga.

Ku dadaal in aad seexato hurdo kugu filan. Markasta ayay hurdadu caafimaad iyo qurux u tahay jirka. Inta lagu gudo jiro bisha Ramadaana waa in aad joogtaysaa Hurdadaasi si aad u hesho firfircooni iyo qurux dheeri ah.

Yarey isticmaalka waxyaabaha la isku qurxiyo sida Makeup-ka oo waqti badan haku lumin. Waxaa suurtagal ah in maqaarka uu qaleelka ku bato sababa la xariira Soonka, sidaasi awgeyd waxaa samaysataa jadwal u gaar ah bisha ramadaan oo aad ku daryeeleyso maqaarka.

Bisha Ramadaan waa bil ka dooran bilaha kale, iskeeda ayayna u tahay bil qurux badan. Waxaa laga soomaa cabidda iyo cunida, si loo quudiyo ruuxda iyo iimaanka, faa’idooyinka laga helaayana kuma koobna ajarka cibaadada ee sidaasi oo kale caafimaadka iyo quruxda maqaark ayay qeyb ka qadataa. Soon wanaagsan.