Qasil: sirta quruxda haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa geeska Afrika.
Qasil-ka waa nadiifiye dabiici ah, Waxaa uu maqaarka ka saaraa Saliida badan, iyo wasaqda jirka, waxaa uuna siiyaa iftiin iyo qurux dheeri ah. haweenka Soomaaliyeed ayaa aad u isticmaala qasilka, waana qeyb kamida sirta quruxdooda
QURUX
2/26/20252 min read


Qarniyaal badan ayay haweenka Soomaaliyeed isticmaali jireen waxyaabo la isku qurxiyo oo laga sameeye dhir dabiici ah. Qasil-ka ayaa kamida adeegyada ay sida weyn haweenka Soomaaliyeed ugu isticmaalayeen daryeelidda wejiga iyo timaha, waxaa uuna sanadihii dambe Qasilka noqonayaa mid u sii gudba bulshooyinka kale ee caalamka, kuwaasi oo arkay waxtarkiisa gaarka ah.
Qasil ku waa maado budo ah oo laga sameeye caleenta geedka loo yaqaan Gobka oo la qalajiye. Gobka waa nuuc kamida dhirta laga helo Soomaaliya iyo geeska Afrika. Caleemihiisa ayaa la soo guraa, la dhaqaa dabadeed qoraxda loo dhigaa si loo qalajiyo, waxaana ugu dambeyn loo badalaa budo cagaaran oo lagu daryeelo wejiga iyo timaha.
Sidee loo siticmaalaa Qasilka?
Budada qasilka ah ayaa waxaa lagu qasaa biyo aan badneen, waxaana sidaas lagu marsadaa wejiga, timaha iyo qeybaha kale ee jirka. Muddo daqiiqado ah dabadeed ayaa biyo la'isaga meeraa.
Faa'idooyinka Laga helo qasilka?
Qasilka waxaa laga helaa faa'idooyin dhowr ah, waxaana kamida:
1. Qaadista haaraha iyo xogxogga maqaarka. Waxaa uu meesha ka saaraa unugyada maqaar ee dhintay, iyo waxyaabaha dheeriga ku ah jirka.
2. Qasilka waa nadiifiye dabiici ah, Waxaa uu maqaarka ka saaraa Saliida badan, iyo wasaqda jirka, waxaa uuna siiyaa iftiin iyo qurux dheeri ah.
3. Qasilka waxaa uu wataa saliid iyo qooyaan dabiici ah oo uu maqaarka u baahan yahay, waxaa uuna wejiga ka dhigaa mid jilicsan oo saafi ah.
4. Waxaa uu baabi'iyaa Xanuunada maqaarka oo bakteeriyada ayuu dilaa. Finanka iyo gaduudka wejigana waa uu yareeeyaa.
5. Qasilka waxaa uu yareeeyaa gabowga maqaarka, oo miinta wejiga ayuu hoos u dhigaa.
Qasilka ayaa ah mid kamida caadooyinka ay haweenka Soomaaliyeed u leeyihiin Daryeelida wajiga. Waxaa ay si maalin le ah u qabsadaan howlahooda iyaga oo marsan Qasilka.
Huda, waxaa ay kamid tahay gabdhaha yaraanta ku Soo bilaabay Isticmaalka Qasilka, waxaa ayna isticmaalkiisa ka baratay waalidka iyo walaalaha la dhashe ee ka weyn oo sida maalinlaha u isticmaali jiray xiligii ay yarayd.
Huda oo garawsan faa'idooyinka tiro beelka ah ee laga helo Qasilka ayaa waxaa ay Qurbaha ka bilaawday ganacsi u gaar ah Qasilka oo ay Soomaalida iyo ajaanibta kale ku gaarsiinayso dheefta iyo sirta Quruxda ee hablaha Soomaaliyeed. Huda waxaa ay aasaastay shirkad lagu magacaabo Huda Organics oo u shaqaysa qaab Online ah, waxaa ayna halkaasi ku bixisaa adeeg ka kooban sadax xirmo oo qasil ah.150gm, 70gm, iyo 20kg.
Macaamiil isugu jirta Afrikaan, Carab iyo Eeshiyaan ayaa ku xiran ganacsiga qasilka ee Huda, kuwaasi oo ka Soo baxshay falcelino kala duwan oo riyaaq leh. Ingiriska iyo Soomaaliya ayaa ah labada dal ee macaamisha ugu badan ay ku suganyihiin..
Ganacsiga Huda waxaa uu horumuud u yahay shaacbaxa Qasilka iyo in bulshooyin kale ee caalamka ay gaarto sirta Quruxda Haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa geeska Afrika.